Ujeedada Daahsoon

Q. 1aad

Waxaa inta badan la arkaa in dadku isla wadaagaan oo isku sheegaan nooca ahdaafta shaksiga ah ee ay damacsanyihiin inay xaqiijiyaan, sababo kale duwan ayaana keenaysa in ay iskugu sheegaan, waxaa dhici karta in :

  • Midkood uu rabo inuu dhiiro galin iyo niyad dhis kahelo kuwa uu markaas uu wax u sheegayo, si uu sare ugu qaado dadaalka uu ugu jiro hadafkiisa;
  • Inuu kahelo gacan dhaqaale si uu ugu xaqiijiyo hadafkiisu haddii uu yahay mid markaas kharash maaddi ah ubaahan;
  • Inuu ku qasban yahay inuu sheego, waayo waxaa ku xariira waalid iyo xigto la xisaabtan uga baahan oo meesha uu tiigsanayo rabaan inay ogaadaan;
  • Halka mid kale uu ka leeyahay ujeedo istus iyo faan iyo si uu qofka horfadhiya utuso inuu yahay qof hammi iyo ujeed usocda leh ee aan madhnayn (balse uu asal ahaan jirin wax uu markaas lajoogo oo aan hadal ka ahayn); iyo kuwa kale oo badan.

Continue reading Ujeedada Daahsoon

Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan

“Mararka Qaar Dabayshu waxay usocotaa sida aysan Doomalaydu rabin (kaluumaystada ama gamacsatada Badda).
Waxaa Suurta gal ah in had iyo goor uusan rabitaankaagu kuugu suurtagalin sidii saxda ahayd ee aad udamacsanayd, balse Si sidaas liddi ku ah ay wax udhacaan.
Ma isweydiisaa marar badan nafsad ahaantaada su’aalo badan oo ay usoo horeyn karaan:
1- ma nasiib laawe ayaan ahay oo waxkasta sidaas ayay iiga halaabaan?
2- Ma towfiiqda ayaa si iga ah (waafiqidda sida aad wax urabto) oo aan waxkasta kuwaayaa?